![Ismalihi ft. Anshax](https://source.boomplaymusic.com/group10/M00/03/06/745a5f93e70d43399e9851517f620313_464_464.jpg)
Ismalihi ft. Anshax Lyrics
- Genre:Rock
- Year of Release:2024
Lyrics
Isma lihi baddaa maydhi
Isma lihi bir baa goyni
Isma lihi cid baa baajin
Busaylkiyo jacaylkeena
Isma lihi xumaan baadhe
Isma lihi xan biirbiirshe
Isma lihi bilaash xayte
Wuu bi'in kalgacalkeena
Isma lihi qof baad baran
Isma lihi ku qori buugga
Isma lihi hal beeggayga
Bashar kula midaa uuman
Isma lihi geyaan buuxa
Isma lihi mid kale beegso
Isma lihi u boos raadi
Isma lihi qof kale baashir
Isma lihi boggiyo laabta
Isma lihi bartaad maanka
Isma lihi ku beernaatay
Isma lihi qof baa buuxin
Maxammed yinik